Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka ee degaannada Puntland ayaa cabasho ka muujiyay fara-gelin ay sheegeen in xubno ka tirsan qoyska Madaxweyne Deni ku hayaan ganacsigooda.
Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in wiil uu dhalay madaxweyne Deni oo shaar dowladeed u soo xirtay, islamarkaana ka ganacsada Jaadka uu fara-gelin ku hayo ganacsigooda Jaadka, si uu macaash uga raadiyo.
“Ganacsigii Jaadka iyo diyaaraddii noo keeni jirtay waxaa nagu haysta wiilka uu dhalay madaxweyne Deni, arrintaasina nama qabato, waxaan nahay Canshuur-bixiyaal. Marka waxaan rabnaa arrintaa wax laga qabto” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Jaadka oo baaq u diray madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Jaad-walayaasha oo hadalkooda sii wata ayaa madaxweyne Deni ka dalbaday in uu sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabto cabashada ay ka muujinayaan wiilkiisa oo sida ay sheegeen hor taagan in ay soo degto diyaaraddii Jaadka uga keeni jirtay Nairobi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.