Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay duqeymaha Caawa ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaasi oo lagu beegsaday Kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.
“Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.
Dowladda Puntland waxay sheegtay in Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ay “ka qeyb qaateen duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish).”
Puntland waxay sheegtay in hawlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, uu Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ay sheegtay in ay ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo degaannada ay ku dhuummanayaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.