In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa shalay laga raray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaddib markii ciidamada Amnigu ka raafeen magaalada, si loogu celiyo dalkoodii.
Laamaha Amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan Boosaaso ka sameeyay hawlgal xooggan oo lagu raafayo ajaanibta ayaa goobo cayiman ku ururiyay Soogalootiga Itoobiyaanka, halkaasi oo laga soo saaray gaadiid xamuul ah.
Gaadiidka xamuulka ah ee siday Qaxootiga la raafay ayaa waxa dowladda Puntland u xilsaartay Ciidamo ilaaliya, kuwaasi oo si nabad ah ku gaarsiiya degaanno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ee DDS.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Todobaadkan magaalada Garoowe ka raaftay in ilaa 1,000 qof oo Soogalooti Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda, sababa la xiriira in aysan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish u adeegsan ciidan ahaaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.