Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan bandhiga wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada oo Boosaaso lagu qabtay ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan mileeshiyaadka Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixinayay Hawlgalkaasi ayaa sheegay in Ciidamada Puntland si buuxda ugu guulaysteen wejigii kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka dhacay buuraha Calmiskaad, kaddib markii kooxda laga saaray godadkii iyo difaacyadii ugu adkaa ee buuraha, lana fashiliyay dhammaan isku dayo ay ku raadinayeen in ay ciidamada iska caabiyaan.
Madaxweyne Deni, oo ciidamada ku bogaadiyay Hawlgalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dhammaystirka dagaalka, oo sida uu tilmaamay qaadan kara wakhti ka yar intii uu qaatay wejigii kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Daacish ee Calmiskaad.
“Waxaad ku kalsoonaataan Reer Puntland-now in Ciidamadeennu difaaca dalka iyo dadka ku filan yihiin, waxaa Puntland ka go’an wejiga labaad ee dagaalka in ay berri, bad iyo cirba kala dagaallanto Argagixisada, waxaan caddaynaynaa in dadkaasi noqdaan haddii aysan isa soo dhiibin wax la dilay, iyo wax maxaabiis dagaal noqda, cid danbe oo fursad la siinayo ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Sidoo kale, shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga dowladda, islamarkaana adkeeyeen midnimada iyo wadajirka, waxaana uu Haweenka si gaar ah uga mahadceliyay garab istaaga Ciidamada, isagoo sheegay in ay kaalin weyn kaga jiraan Halganka Ciribtirka Argagixisada Daacish.
Halkaan ka daawo Khudbada oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.