Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka aloosan degmada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Madaxweyne Siciid Deni oo saaka khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan bandhiga wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sidoo kale baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka aloosan magaalada Ceerigaabo.
“Ceerigaabo waa magaalo ay wada deggan yihiin Puntland iyo Somaliland, waxaana 30-kii sano ee la soo dhaafay lagu wada joogay heshiis nabadeed oo beelaha halkaasi deggan wada qorteen, kaasi oo Puntland iyo Somaliland wada ixtiraami jireen.”
“Isbeddelka Somaliland ka dhacay wuxuu ceeb ku yahay in isbeddel ku yimaado nabaddii Ceerigaabo, waa in mas’uuliyiinta Somaliland dib u eegaan arrintaasi, waxaan rabnaa in aan colaadaha ka soo doogno” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dirayay baaqa nabadeed ee colaadda Ceerigaabo.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in nabad iyo walaalnimo lagu dhammeeyo colaad beeleedda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in ay tahay in la joojiyo dhammaan dagaallada qabiilka ee ka socda Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.