Ciidamada Amniga Gobolka Bari oo weli magaalada Boosaaso ka wada hawlgal lagu xaqiijinayo ayaa xalay baaritaan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa la sheegay in ay hawlgalkaasi ku soo qabteen dad looga shakisan yahay in ay xiriir la lee yihiin kooxaha Argagixisada ah gaar ahaanna mileeshiyaadka Daacish ee Ciidamadu kula dagaallamayaan buuraha Calmiskaad.
Saraakiisha Laamaha Amniga Boosaaso ayaa sheegaya in dadka lagu qabtay hawlgalkii xalay ay gacanta ku hayaan laamaha baarista Gobolka Bari si loo hubiyo kiiskooda islamarkaana haddii wax danbi ah ku caddaado loo gudbin doono hay’adaha Garsoorka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.