Wararka ka imaanaya degaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ayaa sheegaya in fiidnimadii Caawa halkaasi lagu duqeeyay qoys dhan oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in diyaarado dagaal oo aan weli la aqoonsan duqeynta la beegsadeen qoyska islamarkaana ay geeriyoodeen laba haween ah halka ay dhaawacyo qabaan 11 xubnood oo qoyska kamid ah.
Qoyska duqeyna lala beegsaday oo lagu magacaabo Reer Yuusuf Maxamuud Saalax ayaa waxa halkaasi ku dhintay laba haween ah oo magacyadooda lagu sheegay Xaawo Axmed Saalax iyo Ladan Ismaaciil Muumin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qoyska la duqeeyay ay deggan yihiin meel oodan oo aan baabuur lagu tegi karin sidoo kalena magaalo ka dhaweyn waxaana la sheegay in dhaawacyadu u baahan yihiim gurmad deg deg ah balse aysan weli helin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.