Ciidamada Puntland oo saaka shaaciyay in ay ilaa 8 talis ka qabsadeen Kooxda Daacish

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka warbixin kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ay Argagixisada Daacish ka qabsadeen in ka badan 8 talis oo ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Cutubyada sida gaarka ah u carbisan ee PMPF oo warbixin kooban sii daayay ayaa sheegay in kaddib dagaal xooggan oo socday mudda 4 cisho ah mileeshiyaadka Daacish laga nadiifiyay ilaa 8 goobood oo muhiimad sare u lahaa joogitaanka kooxdaasi ee buuraleyda Calmiskaad.

“Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo afar cisho ah dagaallo xooggan ku qaaday Argagixisada Daacisha ayaa ka saaray Talisyo iyo Saldhigyo muhiimad sare u lahaa. Goobaha ay ciidamaddu kala waregeen Argagixisada Daacish waxaa ka mid ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri Warbixinta PMPF.

Ciidamada PMPF ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro muujinaya saldhigyada laga saaray kooxaha Argagixisada ah ee Daacish kuwaasi oo hadda ku go’doonsan godad ku yaalla togga Jeceel kaddib markii ciidamadu dhinac kasta kaga yimaadeen.

PUNTLAND POST