Booliska Caasimadda Garoowe ayaa saaka raafaya dhammaan ajaanibta sharci la’aanta ah ee ku sugan magaalada kaddib go’aannadii ka soo baxay dowladda.
Ciidamada Ammaanka ayaa saaka qabanaya qof kasta oo ajnabi ah oo sharci la’aan ku jooga Garoowe, kaddib go’aankii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee lagu sheegay in Laga bilaabo 25 Janaayo 2025 aysan degaanna Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin.
Sidoo kale, wasaaradda Amniga Puntland oo dhaqangelinaysa go’aankii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in aysan gebi ahaanba xuduudaha Puntland soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah, waxaana ay ku amartay cid kasta oo ay u shaqeeyaan ajaanib in ay mudda 72 saac gudahood ah ku soo diiwaan-geliyaan, si loo hubiyo aqoonsigooda.
“Waxaa la faraya dhammaan cid kasta oo ajaanib dalka keentay ama soo gelisay sida; shirkadaha Ganacsiga, wershadaha, xarumaha Caafimaadka iyo xarumaha Waxbarashada in ay ku soo diiwaan-geliyaan mudda 72 saac gudahood ah, si loo xaqiijiyo Amnigooda iyo cidda mas’uuliyadooda qaadaysa” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda Amniga Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.