Waa Muhiim in la Ilaaliyo Xuquuqda Qaxootiga ee Gudaha Puntland

Shucayb Xaaji Ciise

Dagaallada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada ayaa toosh afarqaada ku ifiyey qaxootiga ku nool Puntland. Waxaa lagu qiyaasaa in qiyaastii 10,000 ilaa 20,000 oo qaxooti ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland, kuwaas oo u baahan daryeel, badbaado, iyo ilaalin xuquuqdooda aasaasiga ah.

Warqadda Wasiirka Juxa waxay u muuqataa mid u eg warqaddii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku mamnuucay soo-galootiga qaarkood, isaga oo ku tilmaamay kuwo argagixiso, kufsiwadayaal, iyo halis amni ku ah dalkiisa. Hase yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in la xusuusto in qaxootiga caalamka ay leeyihiin xuquuq lama taabtaan ah oo ku cad qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Geneva ee 1951 iyo heshiisyo kale oo loogu talagalay badbaadada dadka barakacay.

Taariikh ahaan, Soomaalidu waxay muddo dheer ka faa’iideysatay taageerada iyo shuruucda qaxootiga, gaar ahaan intii lagu jiray xilligii burburka dalka oo malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay ku qaxeen waddamada deriska ah iyo kuwa caalamka. Dalalkaas waxay siiyeen magangelyo, cunto, hoy, iyo adeegyo kale oo muhiim ah. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in Puntland aysan iska indha tirin waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta qaxootiga.

Go’aamada lidka ku ah xuquuqda qaxootiga waxay saameyn weyn ku yeelan karaan xiriirka Puntland iyo beesha caalamka, maadaama qaxootigu yahay mas’uuliyad wadaag ah oo ay caalamku si wadajir ah uga shaqeeyaan xalinteeda. Tallaabo kasta oo ka hor imanaysa heshiisyada caalamiga ah waxay dhaawacaysaa sumcadda Puntland iyo xiriirka ay la leedahay ururrada caalamka iyo dalalka taageeraya.

Puntland waxay wajahaysaa waqti adag, taas oo laga yaabo inay dhaliso go’aamo degdeg ah oo caadifad ku saleysan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in diiradda la saaro xalinta dhibaatooyinka qaxootiga ku haysta gudaha Puntland, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda iyo sharaftooda.

Shucayb Xaaji Ciise