Ciidamada difaaca Puntland oo soo riday ilaa lix dronesa oo Daacish isku dayday in ay adeegsato

War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in 24-saac ee u danbeeyay Ciidamadu soo rideen ilaa lix drone oo ay kooxda Daacish isku dayday in ay adeegsato.

“24-kii saac ee u danbeeyay Ciidanku waxay soo rideen ugu yaraan 6-drone oo Argagixisada Daacish isku dayday in ay isticmaalaan” ayaa lagu yiri War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa tan iyo bilowgii Hawlgalka Calmiskaad waxay soo rideen in ka badan 50 drones-ka yar yar ah oo mileeshiyaadka Daacish qaraxyo ku soo xireen si ay waxyeello ugu geystaan ciidamada ama isaga hakiyaan Hawlgalka socda.

PUNTLAND POST