Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa bilaabay wejigii labaad ee daamur-saaridda jidlaasi ee inta u dhexaysa Cawsane ilaa Midigale.
Xubno ka tirsan guddiga dhismaha Laamiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa sheegay in uu bilowday wejiga labaad ee daamur-saaridda jidkaasi gaar ahaanna inta u dhexaysa Cawsane ilaa Midigale.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale soo dhaweeyay dadaalka ay guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ku bixinayaan dhammaystirka jidkaasi oo inta badan ku socda isku tashi bulsho.
“Waxaan bogaadinayaa Guddiga Wadada Ceel-Daahir Ceerigaabo oo maanta bilaabay wejigii labaad ee Daaamur Saarida laga bilaabo Cawsane ilaa Midigale ee Wadada Ceel-Daahir Ceerigaabo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
“Waxaan kale oo guddiga ku bogaadinayaa dedaalka iyo Shaqada wanaagsan ee ay qabteen aniga og oo xog-ogaal u ah duruufaha adag ee Guddigu ku shaqaynayey mudada dheer” ayuu sii raaciyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.