Puntland oo baaritaan deg deg ah ku samaynaysa Kalluun badan oo dibadda uga soo baxay xeebta Boosaaso

Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in ay samaynayso baaritaan deg deg ah oo ku saabsan xaaladda keentay in kalluun nooca loo yaqaan Homboro (Dolphins) uu ka soo baxo xeebta magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu sheegay in labada wasaaradood ee Degaanka iyo Kalluumeysiga oo iskaashanaya samayn doonaan baaritaan degdeg ah oo ku saabsan sababta keeni karta dhacdadan aan caadiga ahayn.

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland waxa ay ka xun tahay iney idinla wadaagto xaalad degdeg ah oo la xiriirta kalluunka noociisa loo yaqaan Homboro (Dolphins) oo ka soo baxay xeebta magaalada Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexeysa agagaarka dekedda Boosaaso ilaa xeebta Mareero.”

“Madaama goor galabnimo ah dhacdadan ay dhacday, tirada rasmiga ah lama sheegi karo, balse dadka degaanka ayaa ku qiyaasay in tirada kalluunka ay ku dhowdahay ilaa boqol” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland.

“Wasaaradda Deegaanka oo kaashanaysa Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland waxay ku guda jiraan baaritaan degdeg ah oo ku saabsan sababta keeni karta dhacdadan aan caadiga ahayn. Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladdan ayaa la soo saari doonaa marka baaritaanka uu dhammaado”ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa sidoo kale xustay in sababaha keeni kara soo bixidda Kalluunka Homborada ay ku jiraan waxyeello ka timaadda shabaagaha Kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo wasakhaynta biyaha badda.

PUNTLAND POST