Dekedda magaalada Boosaaso ayaa xalay laga dhoofiyay xoolo tiradoodu gaarayso ilaa 20,000 oo neef, kuwaasi oo loo iib-geynayo dalalka Carabta ee Sacuudiga, Imaaraatiga iyo Cummaan.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa dekedda magalaada Boosaaso kaga qayb galay munaasabadda dhoofinta xoolahan oo ka kooban Geel, Lo’o iyo Adhi, oo ay qaadayaan 4 doonyood iyo markab.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Cumar Cabdisamad Yuusuf oo ka warbixiyay dhoofka xoolahan ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan dadaal xooggan ku bixiyeen in la soo xulo xoolo nadiif ah, caafimaad qaba, isla markaana horseedaya in suuqa xoolaha ay puntland la leedahay wadamada carabta uu sii xoogaysto.
Xoolaha laga dhoofiyo dekedda Boosaaso ayaa la mariyaa hannaanka hubinta Caafimaadka Xoolaha ee waafaqsan nidaamka Caalamiga ah, taasi oo keentay in dalalka Carabtu ay kalsooni weyn ku qabaan xoolaha ka soo dhoofiyo Boosaaso, sida ay sheegtay Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.