Dowladda Puntland oo soo bandhigtay nin la sheegay in uu Daacish ka soo baxay

Salaad Naxar Xirsi

Dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah soo bandhigtay Xubin lagu magacaabo Salaad Naxar Xirsi, oo ay sheegtay in uu isu soo dhiibay dowladda, kaddib markii uu ka soo baxay kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo Warbaahinta u soo bandhigay Xubinta la sheegay in uu isu soo dhiibay dowladda ayaa sheegay in Salaad Naxar Xirsi uu ka faa’idaystay Hadalkii Madaxweyne Siciid Deni, ee ahaa in dhammaan xubnaha ka soo baxa kooxaha Daacish, ee aan dagaalka lagu qaban ay heli doonaan cafis dowladeed.

Sidoo kale, Shakhsiga la sheegay in uu dowladda isu soo dhiibay ee Salaad Naxar ayaa tilmaamay in uu yahay nin mudda dhawr sano ah la tuhunsanaa, balse ma caddayn in uu ka tirsanaa kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo in kale, waxaase uu xusay in uu ka dhiidhiyay ajaanibta Argagixisada ah ee ku soo duushay degaannada Puntland.

Halkan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST