Wararka ka imaanaya degaanka Tasjiic ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Lix askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland ku dhinteen kaddib markii qarax miino la kacay gaari ay saarnaayeen.
Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in gaari nooca dagaalka ah oo askartu saarnayd uu la kacay qarax miino oo dhulka ku aasnaa, kaasi oo la rumaysan yahay in ay dhigeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish oo dhawaan si ba’an loogu jebiyay dagaalkii Calmiskaad.
Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland weli kama hadlin khasaaraha qaraxaasi, oo ku soo beegmay saacado kaddib markii Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish uu shaaciyay in ay jaanib ka tirsan mileeshiyaadka Daacish ku dileen hawlgal qorshaysan oo ka dhacay buuraha Calmiskaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.