Mas’uuliyiinta Puntland iyo Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo shir ku yeeshay magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo ayaa ku heshiiyay iskaashi Amni iyo mid dhaqaale.
Warmurtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay Puntland iyo Dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa lagu sheegay in shirkani looga hadlay Xoojinta wada-shaqayntii amni labada Gobol ee Mudug iyo Doollo sida Soo qabashada Gacanku dhiiglayaasha, tuugada, cabtoyda iyo isu celinta dhamaan dambiilayaasha iyo gaadiidka faldambiyeedyada lagu galo ama daroogada ka shaqeeya.
“Shirkaan ayaa looga hadlay xoojinta amniga iyo ganacsiga labada gobol shirka ayaa kusoo beegmay xilli ay dawlada puntland ay laashay canshuurta gaadiidka maadaama ladoonayo in kor looqaado xiriirka ganacsi ee labada gobol islmarkaana ladoonayo in laxoojiyo ladagaalanka argagixisada, cabtyda, gacanku dhiiglayaasha, Tabriibta IWM” ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka ka soo baxay labada dhinac.
Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.