Puntland oo diiwaangelin ku bilowday Kalluumeysatada Xeebaha si loo siiyo Kaar Aqoonsi

Xukuumadda Puntland ayaa diiwaangelin ku bilowday dhammaan Kalluumeysatada ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada xeebaha, sida laga soo xigtay wasaaradda Kalluumeysiga Kheyraadka Badda Puntland.

Farriin kooban oo lagu faafiyay Warbaahinta ayay ku sheegtay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland in ay bilowday diiwaangelin ku bilowday dhammaan Kalluumeysatada ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada xeebaha, si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga Kalluumeysiga.

“Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxay bilowday diiwaangelinta Kalluumeystada Xeebaha Puntland iyo dhammaan Agabka ay ku shaqaystaan, si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga Kalluumeysiga” ayaa lagu yiri Farriin kooban ee wasaaradda Kalluumeysiga Kheyraadka Badda Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in diiwaangelinta kaddib Kalluumeysatada xeebaha Puntland laga caawin doono horumarinta Wax-soosaarkooda, lana siin doono Tababarro kor loogu qaadayo Xirfadooda Wax-soosaar iyo Agabkooda.

PUNTLAND POST