Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, G/sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhawaan kantaroollada Caasimadda Garoowe lagu qabtay xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada ah.
“Shakhsiyaad lagu tuhmayo ama ay ku caddahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Al-shaabaab ayaa laga qabtay Caasimadda Garoowe kantaroollada iyo baraha hubinta Amniga magaalada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal G/sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax.
Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu samaynayo shakhsiyaadka ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee lagu qabtay kantaroollada laga soo galo magaalada Garoowe, islamarkaana kuwii ay ku caddaato sharciga la marin doono, halka kuwii wax danbi ah lagu waayo xorriyadooda loo celinayo.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal G/sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa sidoo kale digniin adag u diray dad uu sheegay in ay warbaahinta ka hadleen, oo ay nidaam qabiil ugu doodayaan eedaysanayaal loo haysto falal argagixiso, oo ay weli baaris ku socoto.
Waxa uu sheegay in aysan dowladda Puntland u dulqaadan doonin in si qaldan loo marin-habaabiyo kiisaska ku saabsan falalka Argagixisada ee weli baarista lagu hayo, isagoo xusay in aysan jirin cid Reernimo u haysata eedaysanayaasha lagu tuhmayo kooxaha Argagixisada ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.