Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixisay xogta ku saabsan dukumemtiyo sir ah oo laga helay talisyo ciidamadu ka qabsadeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa si wadajir ah uga warbixiyay xogta ku qoran dukumentiyo sir ah oo laga helay saldhigyadii laga saaray mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish.
S/Guuto Muumin Cabdi oo faahfaahiyay dukumentiyada Sirta ah ee laga helay xarumihii kooxda Daacish ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay liisas ay ku qoran yihiin dhammaan lacagihii ay qaadi jireen iyo shirkad kasta oo lacag u dirtay iyo sidoo kale akoonnadii lagu shubi jiray lacagaha baadda ah.
“Waxaan helnay dukumentiyo caddaynaya liisaska dhammaan lacagihii ay qaadi jireen iyo shirkad kasta oo lacag u dirtay iyo sidoo kale akoonnadii ay ku diri jireen iyo akoon kasta lacagta ku dhacday” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ka warbixinayay dukumentiyo sir ah oo laga helay saldhigyadii Daacish.
Gen. Muumin ayaa sidoo kale tilmaamay in dukumentiyada Sirta ah ay ku jiraan kuwa muujinaya in Daacish lacago been-abuur ah samaysay, islamarkaana macdanta ka guran jirtay buuraha Calmiskaad, waxaana uu intaasi ku daray in sida dukumentiyada ku qoran ay tacaddi ku samayn jireen haweenka, halka xayawaannada ay ugaarsan jireen.
Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in dukumentiyada la helay ay ku jiraan baasaboorro iyo kaarar banki oo ay lee yihiin ajaanib Carab ah oo ku soo duulay dalka, isagoo sii raaciyay in gacanta lagu dhigay khariirado muujinaya dhammaan degmooyinka Soomaaliya iyo masaafooyinka u dhexeeya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.