Ceerigaabo oo qarka u saaran in dagaal dib uga qarxo iyo gaadiid laga la goostay Somaliland

Xiisaddii Colaadeed ee dhawaanahan ka taagnayd magaalada Ceerigaabo ayaa xoogaysatay saacadihii u danbeeyay, waxaana baraha bulshada laga arkay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dhinacyadu samaynayaan.

Ciidamada Somaliland, oo ay weheliyaan mileeshiyaad hubaysan ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada magaalada Ceerigaabo, oo dhawaan lagu kala qaxay, kaddib markii dagaal qabiil ka dhacay iyo sidoo kale degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag oo u dhaw Ceerigaabo.

Sidoo kale, Ciidamada SSC-khaatumo oo ku sugan degaanno ka baxsan Ceerigaabo ayaa la soo sheegaya in ay samaynayaan dhaq dhaqaaqyo oo ka horjeeda Somaliland, waxaana muuqata in labada dhinac ku jiraan diyaar-garow dagaal, xilli aysan jirin wax waan-waan nabadeed ah oo lagu qaboojinayo xiisadda taagan.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiye magac-u-yaal ah oo Somaliland ugu qornaa magaalada Badhan, oo ay u aqoosan yihiin gobol gaar ah uu kala goostay laba baabuur, islamarkaana ula soo baxsaday dhinaca degaannada Puntland.

PUNTLAND POST