Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa shaaciyay in ay kooxaha Argagixisada ah ee Daacish ka qabsadeen 4 Talis, oo ay ku jiraan Keydadkii Saadka, Geerashyadii gaadiidka iyo xarumo lagu farsameeyo Qaraxyada.
Warbixin uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu mileeshiyaadka Daacish ka qabsadeen 4 Talis, oo ay ku jiraan Keydadkii Saadka, Geerashyadii gaadiidka iyo xarumo lagu farsameeyo Qaraxyada.
Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan intii uu socday Hawlgalka Burburinta Kooxaha Daacish ay Ciidamadu ka qabsadeen ilaa 48 goobood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Talisyadii ugu waaweynaa ee Digaale iyo Al-Barako iyo sidoo kale dhammaan saldhigyada hoostaga Hadi-dharin iyo Hadi-xanaan ee buuralayda Calmiskaad ee G. Bari.
“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta Argagixisada Daacish ka qabsaday 4-Talis oo waaweyn, Kaydad Saad, Geerashyada gawaarida iyo kuwa lagu farsameeyo qaraxyada, kuwaasi oo ka dhigaya tirade guud ee Talisyada iyo Saldhigyada ay Ciidamada DPL ka qabsadeen Daacish intii hawlgalku socdey 48-goobod oo muhiim u ahaa.”
“Talisyada waaweyn ee ay Ciidamadu ka qabsadeen Argagixisada Daacish waxaa ka mid ah Taliska Al-Barako, Taliska Digaale iyo dhammaan saldhigyada hoostaga Hadi-dharin iyo Hadi-xanaan ee buuralayda Calmiskaad ee G. Bari” ayaa lagu yiri Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.