Ciidamada difaaca Puntland oo burburiyay warshadii Qaraxyada Daacish iyo Talisyo horleh

Taliska Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa shaaciyay in ay kooxaha Argagixisada ah ee Daacish kala wareegeen Talisyadii ugu waaweynaa ee buuraleyda Calmiskaad kaddib hawlgal xooggan oo Ciidamadu ka fuliyeen degaannadaasi.

Warbixin uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Ciidamada difaaca Puntland ayay ku sheegeen in ay mileeshiyaadka Daacish ka qabsadeen Talisyadii ugu waaweynaa, oo ay ku jiraan Taliska Ceel-ileed, Taliska Al-dacwa oo u ahayd maxkamad ku sheeg, Taliska Dibqalooc, Taliska dugsigooddii tababarka iyo Talis wayn oo saaran Hadi-xannaan.

“Waa maalin kale oo ay Ciidamada difaaca Puntland guul weyn ka gaareen Argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuralayda Calmiskaad ee G. Bari, iyagoo ka qabsaday Taliska Ceel-ileed, Taliska Al-dacwa oo u ahayd maxkamad ku sheeg, Taliska Dibqalooc, Taliska dugsigooddii tababarka iyo Talis wayn oo saaran Hadi-xannaan” ayaa lagu yiri Warbixinta Ciidamada.

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay gebi ahaanba burburiyeen warshaddii ay qaraxyada ku samayn jireen kooxaha Daacish islamarkaana fashiliyeen in ka badan 8 miinooyin ah oo mileeshiyaadku aaseen.

PUNTLAND POST