Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in dowladda Puntland lagu garab istaago Dagaalka Argagixisada

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubaland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya ay u noqoto mid miro dhal ah.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ku garab istaagan dowladda Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST