Markab lagu haystay xeebaha Puntland oo maanta la sii daayay kaddib markii lacag madax-furasho ah laga qaatay

Markab kalluumeysi oo 27-kii November 2024 lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa ugu danbayntii la sii daayay maanta kaddib markii lacag madax-furasho ah la siiyay kooxo hubaysan oo haystay markabkaasi.

Markabkani oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah, islamarkaana laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa u kiraysan shirkad kalluumeysi oo Taiwan laga lee yahay, taasi oo kalluunka u iib-geysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato Reer Puntland ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kooxihii markabka haystay oo dalbanayay lacag dhan $10 milyan markii danbe lagu qanciyay in ay qaataan $2 milyan, sidaasina lagu sii daayay markabka, kaddib markii $2 milyan oo madax-furasho ah la siiyay kooxihii af-fuubka u haystay.

27-kii November 2024 ayaa markabkani kalluumeysi laga soo qafaashay xeebaha degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, kaddib markii ay af-duubteen ilaaladii saarnayd, waxaana gadaal kaga biiray dable hubaysan oo ka baxay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST