Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta shaaciyay in ay afar talis oo muhiim ah kala wareegeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish, kaddib hawlgal ciidan oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu afar talis oo horleh kala wareegeen mileeshiyaadka Daacish waxaana lagu yiri qoraalkaasi”Ciidanku waxay laayeen Argagixiso badan oo AJAANIIB ku jirto, 4Talis oo cusub ayey la wareegeen.”
Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa si gaar ah u sheegay in ay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ah talisyada ugu weyn oo Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad, kaasi lahaa awood isgaarsiin, isla markaana aad uga sareeyay dhulka oo meelo badan laga arki karay.
“Mid ka mid ah talisyada ugu weyn ayaa ka mid ah talisyada maanta Ciidanku la wareegeen. Waa talis lahaa awood isgaarsiin isla markaana aad uga sareeyay dhulka oo meelo badan laga arki karay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland
“Ciidanku waxay ay dilaan iyo wax carara ayeey ka dhigeen Argagixisadii ku sugnayd talisyadaasi, welib hawlgalka waa uu socda , geesiyaasha aan Gabar ee Ciidanka Dowladda Puntland ayaa hore ugu ruqaansaday argagixisada” ayuu sii raaciyay qoraalka.
Halkankan ka eeg Sawirada Talisyada la qabtay
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.