Ra’iisul Wasaare hore Xasan Kheyre oo dowladda Puntland ku bogaadiyay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku bogaadiyay Ciidamada difaaca Puntland sida ay uga guulaysteen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Kheyre ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada iyo dowladda Puntland guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

“Waxaan shacabka, ciidamada, iyo dowladda Puntland ugu hambalyeynayaa guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

“Waxaan hoggaanka dowladda iyo ciidamada Puntland ku bogaadinayaa go’aankan masiiriga ah ee ay ku soo afjarayaan khawaarijta naf-la-caaarriga ah iyo argagaxisada shisheeyaha ah ee ku dhuumaaleysanaysa buuralayda Gobolka Bari” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxa uu sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan halyeeyada naftooda u huraya difaaca sharafta, dadnimada, iyo deegaannada Puntland.

PUNTLAND POST