Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed oo Shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada hoggaaamiye isku raaceen in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya labada dal, iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda diblamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka.
“Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.
“Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Villa Somalia.
Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed ayaa sidoo kale adkeeyay in ay ka go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara, iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xustay in Wadahadallada sidoo kale xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood islamarkaana labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobolka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.