Duqayn xooggan oo ka dhacday buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari

Ciidanka PL oo qarxiyay miino IS galisay jidka

Duqayn xooggan ayaa saacado ka hor lagu beegsaday godad ku yaalla buuraha Calmiska oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayeen hoggaamiyaal ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.

Jug culus ayaa laga maqlay buuraley lagu magacaabo (Dul iyo Dareyle) oo ka tirsan Calmiskaad kaddib markii lagu garaacay duqeynta, waxaana wararku sheegayaan in bartil-maameedku ahaa hoggaamiyaal Daacish ah oo ku dhuumaanayay aaggaasi.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta oo la sheegayo in ay fuliyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka taageeraya Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada sidoo kalena saraakiisha Puntland weli kama hadlin duqeyntaasi.

Dowladda Puntland ayaa shalay Saaxiibada Caalamiga ah ka dalbatay in ay ka caawiyaan Hawlgalka lagu baabi’inayo Argagixisada Daacish, kaasi oo ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay burburiyaan inta badan godadkii ay ku dhuumanayeen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay Saaxiibada Beesha Caalamka kaga dalbatay in ay Ciidamada difaaca Puntland ka taageeraan dhinacyada duqaymaha Cirka, Rasaasta iyo Saadka lama huraanka u ah Ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah.

PUNTLAND POST