Puntland: Mileeshiya-beeleed caraysan oo saaka weeraray xabsiga weyn ee Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka la weeraray xabsiga weyn ee magaalada.

Mileeshiyaad hubaysan oo ka caraysan rag ka tirsan beeshooda oo dhawaan maxkamadda ciidanka Puntland xukuntay ayaa lagu soo warramayaa in ay weerareen xabsiga weyn ee Gaalkacyo.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad xooggan oo dhexmaray ciidanka Ilaalada xabsiga Gaalkacyo iyo mileeshiyaadka weerarka soo qaaday sida ay wararku xaqiijinayaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xabsiga la weeraray ay ku jireen raggii maxkamadda ciidamada Puntland xukuntay oo loo haystay in ay hore Gaalkacyo ugu dileen nin ganacsade ah.

PUNTLAND POST