Puntland iyo Galmudug oo go’aanno wadajir ah ka soo saaray colaad beeleedda galbeedka Mudug

Shir nabadeed oo maalmahan magaalada Gaalkacyo uga socday mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa ugu danbayn laga soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee maalmahan Shirka nabadeed uga socday magaalada Gaalkacyo ayay ku shaaciyeen go’aanno ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.

Go’aannada wadajir ah oo ay soo saareen Puntland iyo Galmudug oo ka kooban saddex qodob, ayaa waxa kamid ah; in mudda 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood, Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase.

Labada dhinac ayaa sidoo kale go’aamiyay In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

Go’aannada ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug ee la soo saaray waxa sidoo kale ku jirta in guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka labada dhinac

PUNTLAND POST