
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabiley oo Shir la qaatay beesha Dishiishe (Axmed Harti) ee Gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu maanta qaabiley oo Kulan la qaatay beesha Axmed Harti ee gobolka Bari, balse lama sheegin wixii Shirkaasi labada dhinac lagaga hadlay.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta qaabilay oo Kulan la qaatay beesha (Axmed Harti) ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale shalay Shir la yeeshay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii difaaca beesha Warsangeli ee lagu dhisay Shirkii Ceelbuh, islamarkaana lama faahfaahin wixii Shirkaasi lagaga hadlay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.