Puntland iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay markab lagu haysto xeebaha gobolka Nugaal

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabiley safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Wang Yu.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabiley safiirka dowladda Shiinaha oo booqasho ku tegey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in danjire Wang Yu, uu madaxweyne Deni kala hadlay markab laga lee yahay dalka Shiinaha oo af-duub loogu haysto xeebaha Puntland, kaasi oo xeebaha degmada Xaafuun laga qafaashay 27 bishii November ee sannadkii hore (2024).

Markabkani kalluumeysi, oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah, islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa lagu haystaa xeebaha gobolka Nugaal, waxaana la sheegay in kooxaha haysta dalbanayaan lacag madax-furasho ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in markabka, oo ay wakiilo ka yihiin ganacsato reer Puntland uu shati ka haystay xukuumadda madaxweyne Deni, balse uu shatigii ka dhacay ka hor inta aysan af-duuban ilaaladii saarnayd oo ay ku biireen rag kale oo hubaysan.

PUNTLAND POST