Madaxweyne Deni oo Shir la yeeshay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo guddiga difaaca beesha Warsangeli

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso shir kula yeeshay Suldaan, Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii Shirkii Ceelbuh ee beesha Warsangeli.

Madaxtooyada Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay in madaxweyne Siciid Deni uu Boosaaso ku qaabiley Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii Shirkii Ceelbuh ee beesha Warsangeli.

Dowladda Puntland wax faahfaahin ah kama bixin qodobada looga hadlay Shirka dhexmaray madaxweyne Deni iyo Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii Shirkii Ceelbuh ee beesha Warsangeli.

Bayaan ka soo baxay shir dhawaan beesha Warsangeli ku yeesheen degaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayay ku shaaciyeen in uu buray heshiis beeleedkii lagu wada degganaa degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Bayaanka Shirka Warsangeli oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu caddeeyay in uu gebi ahaanba buray heshiis beeleedkii (Afarta qabiil) ee lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay burisay Beesha Isaaq oo kaashanaysa Somaliland.

Beesha Warsangeli ayaa sidoo kale go’aamisay in si buuxda loo difaaco degmada Ceerigaabo, oo ay Somaliland xoog ku qabsatay, islamarkaana ay ka bara-kicisay dhammaan dadkii ku abtirsanayay beelaha Harti sidoo kalena la wareegtay dhulkoodii iyo hantidoodii.

Beeshu waxay caddaysay in dhammaan waxyeellooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Somaliland iyo Beesha Isaaq ee Maamulkaasi leh, maadaama ay duullaan beelaysan ku soo qaadeen magaalada.

PUNTLAND POST