Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland oo maanta fadhi yeeshay ayaa ansixiyay codsi uga yimid madaxweyne Axmed Madoobe oo ka dalbaday in loo kordhiyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.
In ka badan 60 mudane oo soo xaadiray fadhiga ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay codsigii madaxweyne Axmed Madoobe oo ahaa in wakhti loogu daro mudada uu ku soo dhisayo golaha xukuumadda cusub ee dowlad goboleedka Jubaland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo shir-guddoominyay fadhiga gollaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah geliyay codsiga madaxweynaha si loo ansixiyo wakhtiga uu dalbaday in loogu daro mudada soo dhisidda xukuumadda cusub.
Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan gudoomiyaha gollaha wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland oo codaynta kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xildhibaannadu ansixiyeen mudda laba bilood ah oo lagu kordhiyay wakhtiga soo dhisidda xukuumadda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.