Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Shakhsiyaad u xirnaa in ay xiriir la lee yihiin Daacish

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni ayaa cafis u fidiyay shakhsiyaad ka soo jeeda gobolka Bari oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lee yihiin mileeshiyaadka Daacish.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu cafis u fidiyay shakhsiyaad ka soo jeeda degaannada gobolka Bari, kuwaasi oo ku eedaysan in ay si uun xiriir ula lee yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa amar ku bixiyay in xabsiyada laga sii daayo eedaysanayaashaasi oo aysan si toos ah ugu caddayn in ay ka tirsanaayeen kooxaha Daacish, balse lagu eedeeyay in uu macaamil dhexmaray ama xiriir.

Dhinaca kale, warar madaxa-bannaan ayaa sheegaya in ay jiraan shakhsiyaad kale oo maalmihii la soo dhaafay ka soo goostay mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada gobolka Bari, inkastoo aan wax muuqaal ah laga duubin.

PUNTLAND POST