Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa jiho kasta ka go’doomiyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaalaysanayaan Argagixisada Daacish.
Warbixin kooban oo ka soo baxday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu isku fidiyeen islamarkaana jiho kasta kaga yimaadeen buuraleyda Calmiskaad oo ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Daacish.
“Ciidamada ayaa isku fidiyey deegaannada ku teedsan buuralayda Calmiskaad, iyagoo jiho kasta kaga yimi bartilmaameedka ay ku dhuumaalaysanayaan Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri Warbixinta ka soo baxday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland.
“Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiishta oo ku guda jira Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa hadda hawlgalo Amni kawada deegaanka Xamure iyo deegaannada ku hareeraysan ee gobolka Bari” ayuu sii raaciyay Qoraalka.
Saraakiisha hoggaaminaya Hawlgalkaasi ayaa kulamo wacyigelin ah oo ku saabsan wadashaqeynta Ciidanka iyo Shacabka la yeeshay dadka degaannadaasi, waxayna la wadaageen digniinta ah in wixii dadka degaanka ah ay haystaan fursadii ugu danbeysay ee ay kaga soo bixi karaan Argagixisada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.