Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in uu ganacsade Ajnabi ah u xiray Dhoofka Xoolaha Soomaaliya

97 xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabo ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ganacsade Ajnabi ah ugu xirtay dhoofka Xoolaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xubnahan ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegeen in aysan wax la aqbali karo ahayn in ganacsade Ajnabi ah oo taariikh madow ku leh dalka loo xiro dhoofka Xoolaha Soomaaliya.

Waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhoofka Xoolaha Soomaaliya u xiray ganacsade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir, kaasi oo deggan dalka Jabuuti, islamarkaana hore u dhacay ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

Xildhibaannadan ayaa sidoo kale tilmaamay in tallaabadani tahay markii u horraysay oo dhoofka Xoolaha Soomaaliya loo xiro hal shakhsi oo Ajnabi ah laguna Cuna-qabateeyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqayn jiray dhoofka Xoolaha.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST