Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa sida wararku sheegayaan maanta fashiliyay falal argagixiso oo laga abaabulayay gudaha Boosaaso.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga Puntland ayaa sheegaya in ay fashiliyeen falal argagixiso oo laga abaabulayay Boosaaso, kuwaasi oo ay ku jiraan qaraxyo la doonayay in laga fuliyo Boosaaso.
Ciidamada Amniga oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka dowladda Puntland ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyadii iyo hubkii lagu fulin lahaa weerarka, islamarkaana waxay gacanta ku dhigeen shakhsiyaadkii watay.
Saraakiisha Amniga Boosaaso ayaa sidoo kale tilmaamay in ay baaris ku wadaan shakhsiyaadkii lagu qabtay qaraxyada iyo hubka ee doonayay in ay fuliyaan weerarka, kuwaasi oo wararka hordhaca ah tibaaxayaan in ay ka tirsan yihiin mileeshiyaadka Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.