Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo digniin u jeediyay ganacsatadii laga iibiyay dhulkii danta guud ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa digniin u jeediyay ganacsatada laga iibiyay dhulkii danta guud ee Muqdisho ama la siiyay.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayay uga digeen ganacsatada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda.

“Waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan in waxa ay haysataan ay yihiin booli qaran” ayay ku sheegeen bayaankooda, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxay sidoo kale ka digeen in qof walba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada,
iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba.

Halkaan ka akhriso Bayaankooda

PUNTLAND POST