Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ku qaadeen argagixisada Daacish.
“Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada” ayuu yiri Farmaajo
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Hawlgalkaasi ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda horumarka dalka
“Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan Isirka Soomaaliyeed.
Halkaan ka akhriso Qoraalka Farmaajo
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.