Mas’uuliyiinta Puntland oo Shir ka yeeshay Taakulaynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada

Shir ku saabsan Adkaynta Amniga guud iyo garab istaaga Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Puntland ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda Garoowe.

Shirkani ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka uu guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, islamarkaana looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada.

“Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Shirkani ayaa imaanaya xilli ay Puntland dagaal kula jirto kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish oo halis ku ah Amniga iyo Xasiloonida guud, kuwaasi oo dhawaan weerar fashilmay ku soo qaaday Saldhiga Ciidamada ee degaanka Dharjaale.

PUNTLAND POST