Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda dhawaanahan ka aloosan galbeedka Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, Cabdinaasir Cabdiqaadir Cabdulle oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaadda labada beelood ee ka taagan galbeeedka Mudug.
Guddoomiye Cabdinaasir ayaa sidoo kale caddeeyay in dagaalka galbeedka Mudug uu u dhexeeyo laba mileeshiya-beeleed oo keliya, islamarkaana aysan ku lug lahayn cid ka baxsan labada mileeshiyaad ee dirirtu dhexmartay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug midna aanu wax lug ah ku lahayn dagaal beeleedka socda, balse uu yahay colaad ku kooban laba beelood oo aysan wax siyaasad ah ku jirin labada dhinac midna.
“Aniga oo ka wakiil ah dowladda Galmudug afkeedana ku hadlaya waxaan lee yahay dagaalkaasi ma bannaana ee hala joojiyo, waxaana ku baaqaya xabbad-joojin labada dhinacba” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, Cabdinaasir Cabdiqaadir.
Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay gacan ka geystaan in xabbad-joojin laga sameeyo degaanka colaaddu ka jirto sidoo kale wada-hadal iyo waan-waan nabadeed laga dhex bilaabo labada beelood.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.