Dugsiga Qur’aanka waa dhismaha shakhsiyadda ilmaha Soomaaliga! Q-2aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Casriyeynta dugsiyada qur’aanka iyo Toosinta hab-dhaqanka ardayda waa inaysan noqon mid laga soo qaato dunida aan muslimka ahayn!

Dugsi qur’aanka, waxay ardayda ka baran jireen dhaqan xil-kasnimo oo aysan isha qabaneyn, waxaa ka mid ahaa dhaqankaas ardayda in maalmaha KHamiista ah galabtii la fasixi jiray si ay duurka uga soo guraan ulihii lagu garaaci lahaa iyaga marka ay timaado toosinta iyo in lagu carbiyo dhaqanka wanaagsan iyo barashada qur’aanka, waxaana xusid mudan in ardayda iyagoo sidaas fahamsan oo og in ulaha ay gurayaan iyaga lagu garaacayo; midkooda dugsiga aan imaan ama ka dhuunta, midka casharkiisa baran waaya, midka far baran waaya, midka anqaasta ama qadda soo riiqan waaya, midka ay waalidkiis ka soo dacwoodaan iyo kuwa laga soo eed sheegto…iyo wixii soo raaca, iyagoo sidaas ogsoon, oo garanaya dadka ulahan loo wato inay yihiin ayeey haddana ku tartami jireen siduu mid kasta u noqon lahaa midka ulaha ugu badan soo guray, midka ugu ulo fiican, taasi macnaheedu waxaa weeye in shakhsiyadda ardayga yar ee dugsi qur’aanka dhiganaya uu da’daas (5- 10jir) gaarsiisanaa inuu garanayay muhiimadda dhaqanka dabeecadda u ah dugsi qur’aanka, ujeeddada ulaha laga leeyahay, iyo kaalinta iyo waxa uu ka mudanyahay macallinka qur’aanka baraya. Wuxuu ardayga bartay ama fahmayay in wax kasta ay leeyihiin qaab xisaabtan ah oo ay ka dhalan karto ciqaab iyo abaal marin.

DHaqankaas iyo dabeecaddaas edbinta iyo carbinta isugu dhafan, iyo nidaamka barashada qur’aanka waxaa ka sameysmayay ama ka soo baxayay shakhsiyad adag oo aan la barxin oo laf iyo ludba Soomaalinimo u sameysan! Macallinkeen Allow Kaal, Macallinkiis Allow kaal, Waalidkeen Allow Kaal, Waalidkiis Allow Kaal!…oo macnaheedu yahay Kaal oo u kaalmee. Marka aad fiiriso dhinaca ardayda miyiga qur’aanka ku baraneysay iyaga waxaa intaas oo ay la wadaagaan ardayda dugsi qur’aanka magaallada ku dhiganeysay u dheeraa, inay kaalin buuxda ka qaadanayeen hawlaha qoyska ama guriga, siiba kuwooda xoogaa roon-roon ama gaaray da’aadda 15 jir iyo wixii ka weyn oo haddii xoolo la waraabinayo, haddii dhaan la aadayo, haddii reerka la rarayo… waxay kaga jirren kaalin mug leh oo 100% ah, waxaas oo dhan waxaa ka soo bixi jiray shakhsi ka samaysmay dhaqan sal adag oo xoog badan oo guntiisu qoto dheertahay, oo yaqaan waajibaadka ay ku leeyihiin dadka iyo dalka, ka naxay waayeelka, u qadaya una turay inta xoogga yar ee jilicsan, yaqaan ogsoon inuu yahay Soomaali, geesi ah oo aan cabsida aqoon!…

Iyadoo uu qur’aanka yahay kitaabkii Alle loo soo dejiyay ku dhaqankiisa bini-aadamka aadna ugu weynyahay guud ahaan dadka muslimiinta ah ee caalamka jooga ayeey haddana Soomaalida waxay ka mid tahay dalal aan badneyn oo muslimiin ah oo la oran karo diinta iyo jinsiyadda waa labo arrin oo isku tolan oo aan la kala saari karin, taasi macnaheeda waxaa weeye mar haddii uu qofku Soomaali yahay waxaa qasab inuu muslim yahay. Barashada qur’aanka ee meelaha miyiga ah ama baadiyaha ayaa waxaa iyadana si aad u weyn looga dheehan karaa in Soomaalidu dhaqankeedu uu yahay diinta ama dhaqan ku qotoma Islaamka, mana jiro dhul Soomaaliyeed ama miyi ha ahaado ama magaalo ha ahaadee aadan ka dheehaneyn dhaqanka muslimka. Waxaana xusid mudan in macallinka dugsiga qur’aanka uu yahay kaalinta ugu muhiimsan ee ilmaha yar uu dhaqankaas barashadiisa ka bilaabo, tusaale ahaan macallimiinta dhammaantood salaadda waa tukadaan, inta la ogyahay ma jiro macallin dugsi quraan dhiga oo aan salaadda tukan, waxayna ardayda caadi ah inay ardayda mar kasta faraan inay salaadda tukadaan iyadoo waliba mar kasta oo ay salaadda soo gasho macaliinka iyo ardayda wada tukadaan, sidaasoo kale waxyaabo kale oo badan oo diinta ah bay dhaqankiisa ka bartaan, sidaas daraadeed dhowritaanka iyo kor u qaadista tayada dugsiyada qur’aanka qof kasta oo muslim ah oo Soomaali ah waajib ku tahay, taaba galka dhaqanka islaamka ee ka hana qaaday dalka waxaa hawl iyo maskaxba geliyay culummada Soomaaliyeed. Dugsiga qur’aanka, wuxuu mideeyay dhaqankii, saykoolojigii, qaab-nololeedkii, iyo korriimmadii ilmaha, waana taas kaalinta muhiimka ah ee dugsiga qur’aanka midnimmada iyo isku duubnida dadka Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka, dugsiyada waxaa is bedelay nidaamkii looxa iyo qadda, waxaana loo guuray buug iyo qallin, waxaana dugsiyada qur’aanka lagu kordhiyay duruus gaarsiisan heer dhameys tiran oo maadooyinka kala duwan ee diinta, sida in la baro ardayga casharo kala duwan oo ah kuwo aan waayadii hore lagu baran jirin Dugsi -Qur’aanka; barashada caqiidada, Siirrada Nabeega, Axaadiith-ta, Noloshii Asxaabta… Waxaana soo baxay barayaal dhallin yaro ah oo runtii heerkii wax-barashada Dugsi-Quraanka ka amba qaaday heerkii ay soo gaarsiiyeen macallimiintii iyaga wax soo baray. Arrintan ama tallaabadan is-bedelka iyo horumarka ay keentay ayaa ahayd mid si cad oo muuqato looga arkayo meel kasta oo dugsiyada qur’aanka lagu barto, waxaana marqaati u ah tartannada Qur’aanka heerka ay ka galaan ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka barta. Waxaa sidaasoo kale jira in qaar ka mid ah dugsiyada qur’aanka ay bilaabeen nidaam heerar kala sareeya ah iyo inay imtixaano ka qaadaan ardayda, heer kasta oo uu ardayga dhammeeyana ay ku siinayaan shahaado cadeeyneysa heerkiisa barashada ee Qur’aanka. Waxaa iyagana ammaan mudan waaliddiinta Soomaaliyeed oo dadaal weyn isla garab taagay dugsiyada qur’aanka, isla markaasna aan ka daalin in kaalintooda ay qaataan, haddii ay tahay dhiiri gelinta ilmaha, ka war qabka baahida dugsiga ka jirta, siiba dugsiyada ku yaala dalalka ka baxsan Soomaaliya oo iyagu ay mar kasta la soo gudboonaadaan xaallado ad-adag oo ka dhasha hab nololeedka dalalkaas.

Edbinta, Dhaqanka, iyo Dal jacaylka!

Waxaa arrin xanuun badan ah in wixii ka dambeeyay burburkii dalka ku dhacay sanadkii 1991kii illaa iyo maantadan la joogo uusan jirin nidaam wax-barasho oo manhaj ahaan ku salaysan ama leh siyaasad ku jiheysan in ardayga yar ee u baahan barashada qiimaha dadkiisa iyo dalkiisa aysan meelna ka taabo gelin dalka oo dhan!…Waxaa taas ka sii daran inaysan jirin haba yaraatee oo aan lagu darin manaahijta kala duwan ee dalka u yaala dhammaantood barashada juquraafiga iyo taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo loogu talo galay in ilmaha yar lagu baro inuu Soomaali yahay; qiimaha dalkiisa, dadkiisa, iyadoo ay ilmaha yar-yar ay ku dhex korayaan dhaqan aan fiyoobeyn oo dadkii la kala qaybiyay, cadaawad iyo xumaan la dhex dhigay, oo ay maalin kasta ka baranayaan dhaqan nacayb iyo is colaadin ku dhisan… wuxuuna dhaqan iyo caqli ka qaadanayaa shacab la dumiyay, ee dulman ee la heysto, ee laysku diray ee laysugu dilay inay yihiin BEEL-BEEL! Ilmahaas yar oo aan weligood maqal inay yihiin dad iyo dal ama dowlad Soomaali ah!… Oo aan weligood maqal Dal waxa uu yahay, wixii ay dadkooda soo mareen, gumeystihii dalkooda qaybiyay ee qabsaday ee ay ka xoroobeen, dalalka deriska la ah iyo waxa ay isla soo mareen iyo waxa ka dhexeeya dalkooda iyo dalalkaas, taariikhaha soo dhex maray…

Waxaa middaas ka sii xanuun badan.. Aaaah!iimh! Waxaa taas ka daran, in Iskullada iyo jaamacadaha faraha badan ee dalka ka sameysmay, guud ahaan barayaasha wax ka dhiga ama Professor-da ka ah waxa ay ardayda taariikhda dalkooda ahaan u baraan ay tahay taariikho been ah oo dabeecad ahaan ku salaysan dhaqammadii laga dhaxlay burburkii dalka ku dhacay xummaato dhex dhigaya oo kala fogeynaya, taasoo ardayga dhallin-yarada ah loo baray inay tahay taariikhdiisa!… maalin keliya jaamacadahaas ama guud ahaan wax- barashada dalka ka jirta ardayda laguma barin Soomaalinimo iyo lahaanshaha dalkooda!…Waa macalimiin siday u gabeen dadkooda iyo dalkooda aad ka garanayso sida uu dalka u gablamay! Maxay tahay waxa laga filan karo ardayga ka soo dhex baxay aqoon iyo dhaqan noocaas ah marka uu mas’uul noqdo?!…maxay tahay wanaagga ka soo baxaya arday cadowga la baray ay tahay qayb dadkiisa ka mid ah?! Waxaase Alle mahaddii ah inaan leenahay rajo wanaagsan oo ah inaan leennahay dugsi qur’aan, kaasoo ah midka ina baray in haddii aad Muslim tahay aad Soomaali tahay, haddii aad Soomaali tahayna aad Muslim tahay!… Marka haddii iskuulaadkii ay noqdeen kuwo gabay kaalintaas waxaa Culummada Diinta saaran waajibaad ballaaran oo ah ilmaha diinta barashadeeda loogu daro barashada juquraafi iyo taariikheed ee dadkooda iyo dalkooda, in la baro dalalka deriska la ah iyo taariikhaha ay isla soo mareen, in la baro af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, gaar ahaan suugaanta la xiriirta halgannadii uu dalka soo maray ee uu isaga xoreeyay guumeystaha.

Wax kasta oo dalkeena maanta ka dhacaya, ninkii aan fahamsaneynow hadda faham, midkaan ogeynow hadda ogow waa qorshe la soo xariiqay oo cadowga Soomaaliyeed uu soo diyaariyay, waxayna u dhacayaan si ku talo gal ah oo ula kacah ee ma aha wax iska dhacaya, waxaana fulinaya kuwo innaga mid ah oo khaa’imiin ah oo cadowga innagu dhex sameystay, iyo kuwo aan waxba ogeyn oo ku hana qaaday intii uu dalku dunsanaa oo waxa ay yaqaaniin ay tahay inay Beel yihiin oo aan weligood helin macallin u sheega inay dad iyo dal yihiin!…inay dhaqan iyo dhul leeyihiin!… SOOMAALIYA!

Waxaa marar badan la dhaliilaa ama wax laga sheegaa habka edbinta ardayda ee Dugsiyada-Qur’aanka, taas macanaheeda ma aha in dhaliisha edbinta ay dugsiyada qur’aanka keliya ku egtahay, hasa ahaatee waxaa arrin adag ah oo wali aan laga gaarin natiijo taabo gal ah qaabka ay noqoneyso edbinta ardayda heer kastaba wax-barashada ha ka joogaanee, waana arrin maalin kasta wax laga bedelo dunida oo dhan. Waxaa iyadan lagu kala duwanyahay nooca adaabta ardayga laga rabo, sababta oo ah waxaa marka horaba lagu kala duwanyahay dhaqanka iyo dhaqankaas anshaxa u aqoonsanyahay adaabta wanaagsan, waxaa lagu kala duwanyahay heerka Qaan-Gaarnimmada da’da ee ilmaha loogu aqoonsanayo inuu ka baxay da’aaddii caruurnimmada, iyadoo wax kasta ay sal u yihiin bulsho kasta diinta ay aamminsantahay iyo dhaqankeeda, ama waxa ay rumeysantahay. Mar haddii ay sidaas tahay waxaa meeshaas ka baxaya in edbinta ardayda iyo qaabka ay noqoneyso jaan goynteeda dunidu ku mideysnaan karto. Waxaa markaas lagama maarmaan ah in edbinta iyo dhaqanka laga rabo ardayga Soomaaliyeed aan waxbo laga weyddiiyo qof aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan aan Soomaali ahayn.

Waa hubaal inaan meesha laga saari karin aqoonta Cilmi-Nafsiga ilmaha (Saykolojiga-Ilmaha) hasa ahaatee cilmi-nafsiga qudhiisa ayaan ka maarmeyn aqoonta dhaqanka lagu edbinayo ilmaha sidaa daraadeed ayaan marna loo baahneyn in nidaamka toosinta iyo edbinta ilmaha in laga soo min guuriyo qaaruume kale ama dalal kale, oo arrintu waxay tahay sida iyo nooca shakhsiyadeed ee aan dooneyno inuu beri ilmahaas ku soo baxo waxay ku xirantahay sida ilmaha loo carbiyo iyo cidda carbineysa inay rumeysantahay anshaxa la barayo ilmaha ee uu u sheegayo, sida; waxaas inay ceeb yihiin, waxaas inay khalad yihiin, waxaas inay xunyihiin, waxaas inay fiicanyihiin, inay waalidkood baari u noqdaan, salaadda inay tukadaan, waxaas inay xaaraam yihiin, waxaas inay xalaal yihiin, laaluushka inuu xaaraan yahay, musuqmaasuqa inay ka fogaadaan, …iyo wixii la hal-maala. Marka waan leenahay dad aqoonteeda leh oo inoo dejin kara nidaam ardayda dugsiga qur’aanka dhigata iyo ardayda dhigata iskuullada maaddiga ah qaabka ay noqoneyso edbintooda iyo siyaabaha ilmaha yar-yar iyo kuwa roon-roonba loogu xakameynayo anshaxa wanaagsan, haddii ay yihiin Culumaa’u-Diinka iyo haddii ay yihiin dad dhaqanka iyo cilmi-nafsiga yaqaan oo cilladaha iyo haddii ay jiraan tacaddiyo la xiriira nidaamka edbinta is bedelka loo baahanayahay ku sameyn kara, mana jirto baahi loo qabo in qof shisheeye ah loogu yeero inuu macallimiinta u taba-baro arrimaha la xiriira edbinta ardayda Soomaaliyeed.

Aftaxa Juska Qur’aanka Ama marka ardaygu qur’aanka dhameeyo!

Waxaa sidoo kale iyagana bogaadin mudan, in macallimiin badan ay dugsiyadooda ku qoreen ama oggolaadeen ilmo agoon ah, ama qoyskooda uusan awood u lahayn inuu ilmaha ka bixiyo lacagaha ardayda laga qaado, arrintan ayaa aad moodaa in ay meelo badan oo ka mid ah dugsiyada dalka iyo dibaddaba ay si fiican uga dhaqan gashay. Arrintan waxay badbaadinaysaa nolosha ilmo badan oo dalka iyo dadka ka dayacmi lahaa, waxayna mustaqbalka ilmahaas daboolayaan kaalin dadka iyo dalka uga baahnaayeen. Waxaa iyadana muuqda ifafaalo wanaagsan oo bilow ah kaasoo ah in ayaantaan dad-weynaha dalka jooga ay ku soo baraarugayaan muhiimmadda ay leedahay in gacan la siiyo dugsiyada qur’aanka laga barto. Waxaa jira ganacsato badan oo ugu deeqa waxyaabaha ay ka midka yihiin kuraasta, miisadaha, buugaagta iyo qalimaanta!..waxaa jira is-xilqaan iyo faham aad u faafaya oo dad-weynuhu garteen in ilmaha ay yihiin ilmihii dalka iyo dadka…Waxaa jira qoysas ilmo agoon ah iyo kuwo aan awoodin ama aan heli karin cid ka bixisa lacagaha bisha, ama lacago dheeri ah bil kasta dugsiyada ku caawiya si ay u bixiyaan ama loo daboolo baahida dugsiga, oo isagu ku tiirsan oo keliya waxa ay bulshada ku caawiso iyo lacagaha bilaha ah ee ardaydu bixiso oo keliya.

Meel kasta iyo mar kastaba, macallimiinta dugsiyada qur’aanka oo wajahaya hawlo culus ayey tahay inay helaan taba-baro la xiriira sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamka ardayda lagu barayo qur’aanka, marka aan sidaas leenahay ma aha ujeeddada in tababarradaas ay bixinayaan khubaro ka baxsan culummada diinta, waliba kuwooda hawlaha dugsiyada qur’aanka, iyo macallimiinta dugsiyada ku dhex jira. Tababarrada ayaa inta badan waxay abbaartooda ugu muhiimsan noqonaysaa in laga fekero sidii ardayga loo jecleysiin lahaa barashada qur’aanka, taasoo waxa ugu horeeya ay tahay in laga fekero in la helo dariiqad sahllan oo ardayga uu ku baran karo qur’aanka, lana sameeyo tijaabooyin lagu hubinayo sidii loo heli lahaa qaab fudud oo ardayga uu qur’aanka ku baran karo, waliba uu ku xifdin karo, middaas oo u suuro gelin karta in ardaygu xiiseeyo, ku dhiirado oo jeclaado barashada Qur’aanka, waxaana lagama maarmaan ah in mar kasta indhaha lagu hayo oo tix gelinteeda la siiyo kala duwannaanta shakhsiyadda ardayada iyo xaaladaha iyo dabeecadaha sida gaarka ah arday kasta ugu hareereysan ama noloshiisa u saameeya.

Waxyaabaha aadka u quruxsan ee taabanaya qalbiga ilmaha yar, isla markaasna dhiiri gelinta u ah inay jeclaadaan qur’aanka waxaa ka mid ah abaal marinta ay marar badan waalidiinta siiyaan ilmahooda marka ay heer ka gaaraan barashada qur’aanka sida arday xifdiyay tiro suurada ah oo uu macallinka u cayimay inuu muddo go’an ku xifdiyo, marka ay sidaas dhacdo, waaliddiinta badankooda waxay ilmaha siiyaan waxyaabo ay markaas ku farxad gelinayaan si uu halkaas horay uga sii socdo, waxayna u sameeyaan ballan qaadyo kale oo la xiriira inay waxyaabaha uu jecelyahay iyo ka badan siin doonaan haddii uu dadaal intaas ka badan sameeyo. DHaqanka noocaas ah wuxuu dhiiri gelin u noqdaa oo ka sheekeysta dhammaan ardayda kale ee wax la barta ardayga la abaal mariyay! Waxaa iyadana dhiiri gelinta ardayda ka mid ah in waalidiinta mar kasta oo uu ardayga dhameeyo hal jus oo ka mid ah quraanka ay ardayda u sameeyaan dabbaal deg kooban iyo in ardayda dugsiga la dhigata lagu marti qaado noocyada cuntooyinka ay caruurtu jecelyihiin, ardayga dhameeyay jus-kana loogu duceeyo maalintaasna ardayda la Aftaxo (la fasaxo)…waxaana badanaa maalinkaas waalidiinta qaarkood ay macallinka siyaan wax un hadiyad ah, inkasta oo aysan taas ahayn mid lagu leeyahay!… waxaa sidaasoo kale dhiiri gelin middaas ka weyn ay dhacdaa mararka uu ardaygu dhameeyo qur’aanka ama uu xifdiyo qur’aanka, markaasoo macallinka dugsiga la siiyo lacag ama xoolo nool haddii ay miyi tahay meesha uu dugsiga ku yaalo ardaydana maalinkaas cunto la siiyo oo la aftaxo…

DHaqanka noocaas ah, wuxuu runtii qayb weyn ka ciyaarayay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanaayeen; abuurintaanka midnimo xooggan oo caruurtu ay dareemayaan inay yihiin dad mid ah oo wax kasta wadaaga, meesha ay cuntada ku wada cunayaan oo dugsigoodii ahna waxay tilmaan u ahayd dhammaan inay gurigoodii wax ku wada cunayaan iyagoo waliba si farxad ku jirta waxyaabo badan u qaybsanaya, macallinkoodana ay hubaal tahay inuu maalintaas madaxa u wada salaaxayo oo isaga oo dhoola cadeynaya oo faraxsan uu dhiiri gelin iyo duco meesha ka aqrinayo…Waxaana xusid mudan in xafladahaas oo kale mar kasta oo ay dhacayaan la arki jiray ardayda roon-roon oo macallinkooda intay u yimaadaan weydiisanaya inuu duco gaar ah iyagana u duceeyo oo Alle uga baryo inuu qur’aanka u fududeeyo… waxaa kaloo maalmahaas ducada uu macallinka dugsiga jeedinayo mar kasta uu ku dari jiray inuu dalka u duceeyo isagoo leh “Cadowga Soomaaliya Alle ha jebiyo” wuxuu kaloo macallinka maalinkaas caado ahaan haddii ay abaaro jiraan ku duceyn jiray in Alle dalka roobeeyo oo abaarta ka saaro…waxyaabahaas oo dhanna waxay keeni jireen dareen Dal-Jaceyl oo ilmaha yar-yar ay ku koraan.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan