Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM.
Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya marwo Caaisha Maxamed iyo wefdi ay hoggaaminayso oo Muqdisho tegey ayaa la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac.
Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM.
Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.