Soomaaliya oo 54 sano kadib si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey 54 Sano ka dib, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn ee muddada 2025-2026.

Xubinnimadan cusub ayaa bilaabatay maanta, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Somaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka

PUNTLAND POST