Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in ay ku jirto dagaal heer Caalami ah, oo ay hoggaaminayaan Argagixisada dunida ugu halista badan ee Daacish.
Qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, islamarkaana ay hoggaaminayaan ajaaniib halis ah.
“Dowladda Puntland waxay kujirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay , Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku bogaadisay Ciidamada difaaca ee ku sugan Gobolka Bari siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish degaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen.
“Golaha Wasiirrada ayaa ku boggaadiyey Ciidanka Difaaca Puntland siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish deegaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen” ayuu sii raaciyay qoraalka.
Xukuumaddu waxay ku baaqday in la iska kaashado oo loo midoobo ciribtirka kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee ku soo duulay dhulka Puntland, oo ay hoggaaminayaan danbiilayaal caalami ah oo dunidu raadinayso, kuwaasi oo dhammaantood ajaaniib ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.