Digniin amni oo laga soo saaray falal argagixisadu ka samayn karaan magaalooyinka Puntland

Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan in taxaddar dheeri ah laga muujiyo falalka amni-darro ee kooxaha Argagixisada ah ka samayn karaan magaalooyinka waaweyn.

Af-hayeenka Booliska dowladda Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo saaka warbaahinta ka sii daayay digniintani ayaa ku baaqay in laamaha amniga iyo dadweynuhu taxaddar dheeri ah ka muujiyaan dhagarta Argagixisada.

“Waxaa la faraya ciidamada magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar amnigoda sugaya in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan oo ay xil iska saaraan dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo hubinta qof islamarkaana waajibkooda ka gutaan”.

“Ciidamadu waa in ay ka feejignaadaan oo indha dheer u yeeshaan dhaq dhaqaaqa argagixisada oo ay la socdaan isu socodka gaadiidka iyo dadka safarrada ah iyo kuwa magaalooyinka jooga oo ay sii laban-laabaaj shaqada sugidda amniga” ayuu yiri Af-hayeenka Booliska G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed.

“Dadweynaha Reer Puntland waxaan sidoo kale ugu baaqaya in ay taxaddar aad ah sameeyaan gaar ahaanna goobaha la isugu yimaado sida Hotellada iyo goobaha ganacsiga waa in aad loo feejignaado” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Af-hayeenka Booliska G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale digniintani u diray ilaalada khaaska ah ee shirkadaha gaarka loo lee yahay gaar ahaanna kuwa hoteellada iyo goobaha ganacsiga oo uu kula taliyay in ay feejignaan aad ah muujiyaan.

PUNTLAND POST