Bayaan ka soo baxay Shirkii dhawaanahan degaanka Ceelbuh uga socday Beesha Warsangeli ayaa lagu shaaciyay in uu buray heshiis beeleedkii lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.
Bayaanka Shirka Warsangeli oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu caddeeyay in uu gebi ahaanba buray heshiis beeleedkii (Afarta qabiil) ee lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay burisay Beesha Isaaq, sida bayaanka ku xusan.
Beesha Warsangeli ayaa sidoo kale go’aamisay in si buuxda loo difaaco degmada Ceerigaabo, oo ay Somaliland xoog ku qabsatay, islamarkaana ay ka bara-kicisay dhammaan dadkii ku abtirsanayay beelaha Harti sidoo kalena la wareegtay dhulkoodii iyo hantidoodii.
Beeshu waxay caddaysay in dhammaan waxyeellooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Somaliland iyo Beesha Isaaq ee Maamulkaasi leh, maadaama ay duullaan beelaysan ku soo qaadeen magaalada.
Shirka waxaa sidoo kale lagu magacaabay guddi qaabilsan difaaca iyo dagaalka oo ka kooban 35 xubnood, waxaana lagu ballamay in Shir weyne kale oo aaya-ka-tashi ah la isugu yimaado 15 bisha Feb 2025.
Halkan ka akhriso bayaanka Beesha Warsangeli
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.