Ruushka iyo Ukraine oo si rasmi ah isu dhaafsaday maxaabiis dagaal

Ukraine iyo Ruushka ayaa si rasmi ah isu isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah.

Ukraine ayaa dalkeeda keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, halka wasaaradda Ruushku ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda.

Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka.

Zelenskyy waxa uu u mahadceliyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista.

PUNTLAND POST